Madaxweynaha Puntland Oo Xariga Ka jaray Wado Cusub Gudaha Magaalada Garoowe

Monday August 16, 2021 - 14:59:29
0 Comments
258
Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Wadada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe ku xira magaalooyinka kale ee Puntland. 

Wadadan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni uu dhaggax dhigay 7-June 2021.

Xukumada madaxweyne Dani ayaa Ku dadaalaysa sidii ay  mashariic wax Ku ool ah uga hirgilin lahayd guud ahaan degaanada Puntland.

Nasteeh Barre
Meeraysane.com
Garoowe






Related Items


Leave a comment