3-Ruux Oo Geeroyootay Xili Ay Ka Cabsi Qabeen Dagaal yahanada Taalibaan (Sawirro)

Monday August 16, 2021 - 22:10:39
0 Comments
240
Kabul

3-Ruux ayaa ku geeriyootay garoonka diyaarada Kabul ee Dalka Afganistan kadib markii boqolaal qof isku dayeen in si khasab ah ay diyaarad kaga raacaan halkaasi.

Iyadoo xiligaasi ay garoonka ay ka duulaysay Diyaarad ay leeyihiin ciidamada mareycanka islamarkaasna ay Ku soo dhawaadeen Dagaal yahanada Daalibaan.

Dadkaasi ayaa qab-qabsaday dayuurada islamarkaasna dhinac ordaayay waqtigii ay duulaysay lakiin weli faah-faahin lagama bixinin sababta keentay dhimashada dadkaasi.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Gutarres ayaa sheegay in 400,000 oo afganistaniyin ah ay si qiyaano ah uga carareen guryahooda.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu yiri 2.6-miliona qaxooti ayeey Ku yihiin dunida oo dhan, isagoo walaac ka muujiyay xaalada dalkaasi Afghanistan u dhashay.

Source: Aljazeera News
Meeraysane.com





Related Items


Leave a comment