Tababar Loo Soo Xiray Denbi Baarayaasha Saldhiyada Police-ka Galmudug

Tuesday August 17, 2021 - 15:50:47
0 Comments
266
Dhuusamareeb


Tababarkan oo maanta loo soo xiray dufcadii labaad ee kala ah Saraakiil, saraakiil xigeeno iyo askar ka tirsan Baarayaasha saldhigyada police-ka Degmooyinka Galmudug.

Tababarkaan ayaa Ku saabsan hormarinta baarayaasha iyo ka sal gaarida dambiyada culus, iyadoo mudo 10-cisho ah si wadajir u qaatey xubno ka tirsan xafiisyada danbi baarista Police-ka maamul goboleedyada qaarkood.

Police-ka Galmudug ayaa tababarkan  kala qayb gashey dowlad Goboleedyo ay ka mid tahay Jubbaland oo aalada foggaan araga islamarkaasna ay casharada ku siinayeen khubaro ajaanib ah.

Maamulka Galmudug ayaa kaga mahad celisay qabsoomida aqoon kordhinta hey’addaha UNODC iyo INL sida uu hadal xiritaanka ka jeediyay Taliyaha qaybta baarista dambiyada Gobolka Galgaduud, G/Xuseen Cumar muumin oo ka mid ahaa saraakiisha kasoo qayb-gashey tababarkan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment