Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Gudiga Doorashada Heer Federal

Tuesday August 17, 2021 - 21:26:56
0 Comments
248
Muqdisho

Xubno ka mid ah Gudiga doorashooyinka Federaalka ayaa war-saxafadeed ay soo saareen ku sheegay in habraacii manta la soo saaray aan loo dhamayn.

Xubnahaan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeyb yar oo kamid ah Guddiga doorashada ee uu hoggaamiye Guddoomiye Maxamed Xasan Ciro ay soo saareen habraac aan waafaqsaneya wadajirka Guddiga.

Xubno ka hor yimi habraaca ayaa sheegay in jihaynta doorashada laga sugayo shirka wada tashiga qaran ee muqdisho ka furmaya.

Iyagoona shacabka Soomaaliyeed u cadeeyeen tallaabada ay qaadeen xubnaha yare ee Guddiga ay tahay mid ay ku doonayaan inay ku carqaladeyaan habsami u qabsoomida doorashada dalka iyo Shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaranka.



Related Items


Leave a comment