R/Wasaaraha Xukuumada Federalka Oo Booqday Xarunta Jaamacada Al- Azhar (SAWIRRO)

Tuesday August 17, 2021 - 22:30:54
0 Comments
249
Qahira

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay Sheekha Al Azhar Dr. Axmed Altayib oo uga mahadceliyay doorka jaamacada Al-Azhar, iyagoona ka wada hadlay kordhinta fursadaha Waxbarashada ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku casuumay Shiikha Al-Azhar inuu soo booqdo Soomaaliya, isagoo sheegay inay imaanshihiisa farxad weyn u tahay dadka soomaaliyeed.

Shiikh Al-Azhar ayaa ballan qaaday in la kordhin doono fursadaha waxbarasho ee Soomaaliya la siiyo si ay uga faa’iideystaaan dad badan, isagoona timaamay inay ka qeyb qaadan doonaan tababarada culumada iyo imaamyada masaajidda.






Related Items


Leave a comment