R/Wasaaraha Xukuumada Federalka Oo Boqday Hoyga Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya

Wednesday August 18, 2021 - 00:13:35
0 Comments
246
Qahira

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay hogyiiga magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo uu ka siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda dalka, hannaanka ay u socdaan doorashooyinka dalka iyo Arimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mudane Cabdiqaasim uga mahadceliyay doorkiisa dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odoynimo.

'' Waxaan hoygiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aan uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odaynimo''.

Waxaan madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, anigoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah”. Ayuu yiri R/Wasaare Rooble Sida Ay qortay wakaalada wararka Somaaliya ee SONNA.

Related Items


Leave a comment