Madaxweynaha Galmudug Oo Dhuusamareeb Ka Daah Furay Shirweyne ku Saabsan Arimaha Degaanka

Wednesday August 18, 2021 - 17:00:07
0 Comments
218
Dhuusamareeb

Madaxwaynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah furay shirweyne ku saabsan arrimaha Deegaanka gaar ahaan dhaqan gelinta Sharciga Maareynta Deegaanka Galmudug.

Wasaarada Deegaanka, ayaa Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug ayaa soo saartay, islamarkaana ay meel mariyeen labada gole  ee fulinta iyo Baarlamaanka, uuna saxiixay Madaxweynaha Galmudug.

Shirkan oo maanta looga hadley dhibaatada lagu hayo dhirta iyo duurjoogta ayaa lagu sheegay in dhaqan-galinta sharciga cusub uu joojin doono dabar-goynta lagu hayo deegaanka, iyadoo laga shaqeysiinayo hey’addaha amniga iyo laamaha cadaalada ee fulin lahaa sharcigan iyo shuruucda kale sida daah furka shirka lagu sheegay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment