Faallo Ku Saabsan Xaywaanka Fardaha Iyo Qiima Uu Alle Siiyay

Friday August 20, 2021 - 00:14:48
0 Comments
954
Faraska

Jimce Wanaagsan meelkasta oo aad Nagala Socotaan Asxaabeey Kuna Soo Dhawaada Sheeko Ku Saabsan Fardaha.

Fardaha waa xaywaan Mucjiso leh oo inta badana ku nool duurka,waana xaywaan Allah ku Sheegay Quraanka kariimka Ah.

Qarniyadii Aan ka soo gudubnay majirin gaadiid Dadku Adeegsadaan marka laga Reebo Fardaha, Awrta Iyo dameeraha.

Fardaha waxaa Ay qaabilsanayeen dhinaca dagaalka xiliyada Culaada, halka Awrtana Ay ahayeen gaadiidka lagu guuro Ama loo Adeegsado Raashinka ganasiga ah IWM.

Faradaha waa Xaywaan ay aad u sharfaan dadka ku nool aduunka oo dhan sababtuna waa qaab dhismaydkiisa iyo orodka alla siiyay sidoo kale waana xalaal.

faras-ka waxaa uu u kala baxaa lab iyo dhaig oo kala ah Faraz iyo Geenyo inkasta oo fardaha iyo dameerka ay mar mar qaar iska dhalaan Bakhal oo soo shabahda fardaha.

Arintaasi darteed ayaa soomaalida ku maah-maahdaa Bakhashii fardo la daaqda macoodeey is moodaa.

Dhinaca sugaanta soomaalida aad ayaa loogu maamusaa fardaha, iyadoo laga tiriyay Gabayo, Geeraaro iyo heeso lagu faaninayo fardaha. 
   







W/D Axmed Rajaa
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment