Taliska Qaybta Police-ka Gobolka Bari Oo Beeniyay In Lacago Laga Qaado Bulshada

Friday August 20, 2021 - 17:23:18
0 Comments
327
Bosaaso

Taliska qaybta police-ka Gobolka Bari ayaa tilmaamay in Maalmihii la soo dhaafay ay jireen Warar been Abuur ah baraha Bulshada lagu faafiyay kuwaas oo ahaa in dadka soo galaya magaalada Boosaaso lacag looga qaadayo kantaroolada.

Taliyaha Qeybta police-ka Gobalka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in dadka ka soo xagaa noqonayo looga qaado lacago kantaroolada.

G/Sare Xuseen  Cali ayaa sheegay in arintaasi aysan waxba ka jirin Umadana lagu jaahwareerinayo qofkii lagu qabtana talaabo cad ay ka qaadi doonan ciidamada police-ka Magaalada bosaaso ee Gobolka Bari.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment