Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Saturday August 21, 2021 - 13:19:21
0 Comments
217
Muqdisho


Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa mudada uu socdo diirada lagu saaraya dardar-gelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Sidaasi waxaa maanta shaacisay wakaalada wararka Soomaaliya ee SONNA.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment