Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Oo Shir Gudoomiyay Kulan Looga Hadlayay Amniga

Saturday August 21, 2021 - 16:39:41
0 Comments
208
Jowhar

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee Amniga deegaanada Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Hay’adaha Amaanka, iyagoo la wadaagay xaaladda Amni ee magaalada Beledweyne iyo guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Gaba-gabadii ayaa madaxweyne yusuf Axmed ayaa Saraakiisha Ciidamada Amniga Ku Amray in xaqiijinta Amniga Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhowaan ay ka dhicin doonaan Doorashooyinka Baarlamaanka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment