R/Wasaaraha Xukuumada Federalka Oo Gudi U Saaray Dilkii Ay Geysteen AMISOM

Saturday August 21, 2021 - 22:33:58
0 Comments
254
Muqdisho

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn , isagoo u yeeray safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, isagoo guddi heer Wasiir ahna u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.

Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi lagu dilay dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in aan la aqbali Karin in la dhibaateeyo muwadiniinta Soomaaliyeed.

"Xaqiiqdii waa arrin fool xun oo aad iyo aad aan uga danqanay hadaan nahay Dowladda Soomaaliyeed, waxaa halkan igu soo booqday Safiirka Dowladda Uganda iyo taliyaha Sector-ka, iyagoo arrintii tacsi iigu yimid halkan, aniga waan u sheegay shacabka Soomaaliyeedna waan u sheegayaa waana ku soo celinyaa, marna aqbali meyno, raalina kama nihin in shacabka Soomaaliyeed dhib loo geysto, haday tahay ciidamo AMISOM, Haday tahay ciidamada soomaaliya.

'Waxaan magacaabay guddiga Wasiiro ah, Wasiirka Amniga, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Cadaaladda oo beri halkan ay kula kulmi doonaan Safiirka iyo Taliska AMISOM, arrintas ayayna ka hadli doonaan, Insha Allah waxaan rabaa in baaritaan lagu sameeyo sida ugu dhaqsiyaha badana lagu jawaabo.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment