Xildhibaannada Dowlad Gobaleedka Jubbaland Oo Ansixiyay Xeerka Miisaaniyada Jubbaland

Sunday August 22, 2021 - 13:49:29
0 Comments
203
Kismaayo

Xildhibaannada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa Maanta yeeshay kalfadhigii 3-aad ee fadhigiisa 7-aad kaasoo Ajandihiisu ahaa ka doodista xeerka miisaaniyadda ku celiska ah.

Kalfadhigii Maanta ayaa waxaa soo Xaadiray 49- xoldhibaan, iyadoo kulanka uu ahaa ku celinta xeerka misaaniyada si loogu soo daro wasaaradaha cusub ee dhawaan lagu soo kordhiyay  dowlad gobaleedka Jubbaland halkaas oo lagu Ansixiyay xeerka misaaniyada Jubbaland.

Xeerka miisaaniyadda ku celiska ah ee Jubbaland ayaa waxaa u codeeyay 48 mudane halka uu ka aamusay 1 xildhibaan mana jirin cid diidday sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha guddiga habdhowrka Golaha wakiilada Jubbaland Xildhibaan Shugri Weyrax Kaariye.



Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment