Ciidamada Police-ka Degmada Galdogob Oo Qabtay Khamri Aad U Badan

Sunday August 22, 2021 - 19:50:58
0 Comments
258
Galdogob

Waxaa maanta magaalada galdogob lagu burburiyay gaari qamri waday oo ka yimid dhinaca dalka Ethiopia .

Khamrigaan ayaa ahaa mid si ganacsi ah lagu soo geliniyay degmada islamarkaasna waxaa maanta lagu bur- buriyay meel fagaare ah oo kamid ah degmada galdogob khamriga ayaa gaarayay sida la sheegay 8,000 oo dhalo.

Waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada galdogob C/rashiid C/qafaar oo sheegay in arintaasi tahay mid lagu guulaystay.

Dadweynaha degmada galdogob ayaa soo dhaweeyay khamriga La bur-buriyay, iyagoona amaanay ciidamada police- puntland oo howlahaasi Fuliyay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment