R/Wasaaraha Federalka & Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Kulan La Qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

Tuesday August 24, 2021 - 13:24:11
0 Comments
414
Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hogaaminaya xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir looga hadlayo Arrimaha Geedi socodka Doorashooyinka ee Dalka oo bilow ah la leh Wakiiladda Beesha Calamka ee Soomaaliya.

Golaha wadatashiga qaran oo uu garwadeen u yahay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku gudo jira u diyaar garawgii ugu dambeeyey ee lagu dhamaystirayo hanaanka doorashooyinka dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyad u sheegay inay diyaar u yihiin taageerada doorashada soomaaliya Ka dhaceysa.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka soomaaliya ee SONNA



Related Items


Leave a comment