Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda Puntland Oo Xirey Dhammaan Akoonada Wasaaradda

Wednesday August 25, 2021 - 12:16:37
0 Comments
239
Garoowe

Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda Puntland ayaa xirey dhammaan Akoonada Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Puntland.

Warqad ka soo baxday Hanti-dhawrka guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax ayaa lagu xannibay dhammaan Akoonnada wasaaradda ilaa iyo amar dambe.

Hnati-dhawrka ayaa sheegay in baaris ku socoto wasaaradda Waxbarashada Puntland waxaana shaqada laga joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaas oo lagu eedeeyay lunsasho hanti dadweyne.


Related Items


Leave a comment