Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada Oo Kulan La Qaatay Hay'ada UNICEF

Monday August 30, 2021 - 17:09:48
0 Comments
256
Muqdisho

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Max'ed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxda Siyaasadda Bulshada xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Jose Maria Bendito Prieto iyo Saraakiil kale oo xafiiska ka tirsan.



Kulanka waxaa looga hadlay wada-shaqeynta labada xafiis kor u qaadista Barnaamijyada taageerraya arrimaha Bulshada , Shaqo abuurka , ka hortagga shaqaaleynta Carruurta iyo dhammeystirka qorshaha shaqo ee sannad laha ah.

Hay'adda UNICEF ayaa qaramada Midoobe u qaabilsa Dhinaca Caruurta, iyadoona ay jiraan Caruur badan oo aan haysanin Waalidiin Xanaanaysa & Caafimaad Ku Filan islamarkaasna aan Heli Karin Waxbarashada aasasiga ah.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment