Shir Loo Qabtey Shaqaalaha Wasaaradaha Caafimaadka KGS Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Tuesday August 31, 2021 - 13:49:48
0 Comments
283
Baydhabo

Shirkan ayaa Loo Qabtey iskuduwayaasha Wasaaradda ee Gobolada iyo Degmooyinka KGS Waxaana Ka qeyb-galey Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaad ka KGS Madaxda Hay’ada ACF oo Wasaaradda Kala Shaqeysa Horumarinta Adeegyada Caafimaadka

Shirka ayaa inta uu socondo looga Hadli doonaa Waxqabadkii iyo Wadashaqeynta Hay’adan iyo Wasaaradda, Balaarinta Adeegyada Caafimaad iyo Qorshayaasha Sanadaha soosocda ayaa Lagu Falanqeyn doonaa.

Mohamed Abdi Haji oo ka socday Hay’ada ACF ayaa Ka qeyb galayaasha Usharaxay ujeedada Kulanka iyo Waxyaabaha Laga doodi doono isagona shegay in shirka inta uu socdo diirada lagu saari doono Horumarinta Adeegyada Caafimaad deganada koonfur galbeed ee soomaaliya.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment