Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Puntland Oo Xilal Ka Qaaday Agaasimayaal Kuwo Kalena Magacaawday

Wednesday September 01, 2021 - 15:28:02
0 Comments
251
Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa maanta xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo agaasimaha Cusub iyo Sidoo kale Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyada oo dhowaan uu soo magacaabay Madaxwaynaha dowladda Puntland.



Xil wareejintan oo ay si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa xilalka kula kala wareegayey agaasima cusub ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Cabdule iyo agaasimihii hore Mudane Axmed Cabdalla Tigaana.

Sidoo kale waxaa xilka kula wareegay agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamuud, kulankan ayaa waxaa joogay ahaa Wasiirka Wasaaradda oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimayaasha Cusub iyo Kuwii hore.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment