Allaha U Naxariistee Mid Kamid Ah Guddiga Dacwada Badda Soomaaliya Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

Thursday September 02, 2021 - 14:10:18
0 Comments
406
Muqdisho

Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Injineer Saalixi oo ahaa khabiir aqoon dheer u leh cilmiga badda, ahaana la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaana Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan oo ay soo wadashaqeyeen ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray inuu ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliga ah ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental S

Injineer Saalixi ayaa sidoo kale ahaa ninkii xifdiyay keydka macluumaadka iyo xogta badda Soomaaliya wixii ka dambeeyay bur-burkii, waxaana intii ay socotay dacwadda badda lagu ammaanay xifdinta macluumaadka badda.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo ahaa madaxda ergada Soomaaliya ee dacwada badda ayaa ka tacisiyeeyay geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa "laf-dhabar dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya”, isla markaana dalkiisa ugu soo shaqeeyay si hagar.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment