R/Wasaaraha Federalka OoTacsiyeeyay Geerida Allaha U Naxariistee Eng.Maxamed Cumar Saalixi

Thursday September 02, 2021 - 14:33:13
0 Comments
366
Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka XFS ayaa tacsi u diray qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida Allaha u naxariistee Eng.Maxamed Cumar Saalixi.

Eng. Saalixi wuxuu ahaa udub dhexaadka kooxda difaaca baddeenna ee dacwaddeedu hortaallo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee Hague, waxa uu ahaa aqoon yahan iyo khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha khaaradaha, cabbirrada dhulka iyo culuumta badaha (Geodesy).

Allaha u naxariistee marxuumku waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hagar la’aan ah, waxaana si gaar ah loogu xusuusan doonaa kaalintiisii difaaca baddeenna, isagoo door muuqda ku lahaa heerarkii ay soo martay dacwadda baddeenna ee dhex taalla Soomaaliya iyo Kenya.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment