R/Wasaaraha Federalka Oo Tilmaamay Inuu Go'aan Ka Qaadan Doono Kiiska Ikraan Tahliil

Saturday September 04, 2021 - 21:46:31
0 Comments
337
Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahaliil Faarax  ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.

Isagoo Tilmaamay in Masuuliyad ay Xukuumada Ka Saaran ilaalinta Shacabka Ayna Ku qeexan tahay qodobada 10-aad 15-aad iyo qodobka 33-aad ee dastuurka Kumeel Gaarka dalka.

Mudane Rooble ayaa sheegay inuu Qoyska ikraan Iyo Umadda Soomaaliyeed u Cadeeynaayo Masuuliyada Saaran Alle hortiisa iyo daruufaha lagu jiro ay helaan Cadaalad.

R/Wasaaraha Xukuumada ayaa Sheegay in uu faray Agaasimaha NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran.

Maxamed Xuseen Rooble Wasiirka Koowaad ee dalka ayaa tilmaamay in markii ay u soo dhamaato Xogta uu Ka qaadan doono Talaabo Ku Haboon.

Isagoona Shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan.

Axmed khadar Rajaa
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment