Madaxweyne Dani Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Soo Degay Magaalada Galkacyo ( SAWIRRO )

Wednesday September 08, 2021 - 13:09:32
0 Comments
229
Galkacyo

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa Maanta Kasoo degay Garoonka C/laahi Yusuf ee Magaalada Galkacyo.

Madaxweyne Dani iyo wafuuda La Socota ayaa Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadiisa iyo barlamaanka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug iyo Puntland.

Safarka Madaxweyne Dani ee galkacyo ayaa lagu sheegay inuu Ku saabsan yahay xarig ka jarida Garoonka kubadda Cagta Cawaale Studium ee Galkacyo.

Iyo Sidoo kale La kulanka Odoyaasha iyo waxgaradka Caanka ah ee beelaha kala duwan ee Puntland si uu ula Socod siiyo Marxaladaha uu Marayo dalka, inkasta oo aan faah-faahin laga haynin.






Related Items


Leave a comment