R/Wasaaraha Oo Soo Dhaweeyay Aqbalaada Madaxweynaha Federalka Shaqo Ka Joojinta Agaasimaha Sirdoonka Qaranka

Wednesday September 08, 2021 - 13:39:04
0 Comments
260
Muqdisho


Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.


Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.


Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.

Related Items


Leave a comment