Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Gaaray Dekada Garacad Ee Gobolka Mudug

Friday September 10, 2021 - 14:40:17
0 Comments
308
Garacad

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa island maanta kormeeray dhismaha dekedda Garacad oo meel dhamaad ah maraysa, isagoona qaybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo bogaadin, dardaaran iyo dhiirigelin ayuu u jeediyey shaqaalaha dhismaha.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay shirkadaha gacanta ku haya Dekedda warbixino ayuu ka dhegaystay Ingineerada iyo masuuliyiinta shirkadaha dhisaya Dekada, 

Waxaa La Filayaa inuu isla maanta Kulamo faah-faahsan laqaato Waxgaradka, odoyaasha iyo Aqoonyahanada degaanka Garacd oo Ku Saabsan howlaha dekada degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment