Wasiirka Maaliyada Puntland Oo Kulan La Qaatay Gudiga Dib U Habaynta Ciidamada Puntland

Monday September 13, 2021 - 22:44:03
0 Comments
271
Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shir la qaatay Guddiga dib u habeynta Ciidanka Booliska Puntland.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,Taliska Booliska Puntland iyo Qaar kamid ah ah taliyaasha qeybedada Gobolada.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa looga hadlay arrimaha dib-u- habeynta Ciidanka iyo diyaarinta Miisaaniyadda Sannadka 2022-ka.

Mudane Xasan Shire Cabdi oo shirka kaddib la hadlay xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta ayaa ka hadlay ujeedada shirka uu la qaatay Saraakiisha.

" Waxaa uu sheegay in looga hadlay labo qodob oo ah Dib-u-habeynta ciidamada Booliska oo gabogabo ah, gobol kasta inta ka dhimanayd iyo xilliga ay soo xaroonayaan iyo Diyaarinta Miisaaniyadda cusub ee 2022-ka…” ayuu yiri Mudane Xasan Shire abgaal

Dhinaca kale waxaa uu u sheegay Saraakiisha in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay in Ciidamadda si joogto ah u helaan xuquuqdooda uguna soo dhacdo mushaharaadkooda Taleefoonadooda waa suu hadalka u yiriye.

Puntland in ay hesho ciidamo la ogyahay tiradooda iyo tayadooda waa ballan qaadyadii Madaxweyne  Saciid Cabdillahi Dani.

Related Items


Leave a comment