Gudoomiyaha Golaha Baarlamaan Fedelka Soomaaliya Oo Qaabilay Danjiraha Dalka Sweden

Wednesday September 15, 2021 - 13:42:04
0 Comments
268
Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya Mr.Lingarde.

Labadaasi mas’uul ataa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.

Dowlada Sweden ayaa dowlada federalka somaaliya siisa Taageero kala duwan sida mashariic ay ka fulisay magaalada muqdiaho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Sidoo kale dalka Sweden ayaa waxaa Ku nool dad fara badan oo soomaali ah kuwaas oo dowlada Sweden ayaa siisay sharciga dalkaas.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment