Shir Looga Hadlayo Amniga Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Laascanood

Wednesday September 15, 2021 - 14:08:56
0 Comments
267
Laascanood

Shir looga hadlayo falalka amni darro ee kusoo kordhay magaalada laascanood ayaa maanta halkaasi ka bilowday, iyadoo ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaliland.

Shirka oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha & waxgaradka Magaalada laascaanood ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax looga bedeli lahaa xaaladda magalada laas-caanood oo dad badan lagu dilay.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa ku dhawaaqay Guddi ka kooban 45 Xubnood, kuwaas oo loo qeybsaday Beelaha dega Magaalada laascanood.

Garaadka oo Shirka ka hadlay ayaa tilmaamay in Xubnaha Guddiga ay kulmi doonaan Maalinta berito ah, waxay ay soo go’aamiyaan lagu dhaqaaqi doono.

Odayaasha Dhaqanka Magalada laascaanood oo kulanka ka hadlay, ayaa dhankooda tilmaamay in aan la aqbali Karin dilalka is daba jooga ah ee aan wax leyska weeydiin.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment