R/Wasaare Rooble Oo La kulmay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub

Wednesday September 15, 2021 - 16:03:11
0 Comments
245
Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

labada mas’ul ayaa waxaa ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahad celiyay dadaalka ay dalalka Midowga Yurub ugu jiraan horumarinta dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan.

Wadamada Midowga Yurub ayaa waxaa ay yihiin kuwa taageerada ugu badan siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment