G/kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Oo Xafiis Ka Furtay Xarunta Galmudug Ee Dhuusamareeb

Thursday September 16, 2021 - 13:01:40
0 Comments
345
Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed,Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furey xafiis loogu talagalay fududeynta arrimaha cayaaraha Galmudug, sidoo kale waxaa uuwareejiyay gaari xafiisku yeelan doono.

Sidoo kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu soo gabagebeeyay tababar u socday 25 garsoore iyo 12 maclin oo xiriirka kubadda cagata Soomaaliya ku bareen casharo la xiriira cayaaraha iyo horumarintooda.

Mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa xiritaanka munaasabadda ka sheegay in garsooriyaasha tababarka ka faa’ideystay ku filnaan doonaan qabashada cayaaraha deegaanada Galmudug.

Xasan Axmed Shire, guddoomiyaha xiriirka kubabadda cagta Galmudug, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in aqoonta dhalinyaradan ka heleen tababarka ay wax badan ka bedeli doonto isla markaana horumarin doonta cayaaraha.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment