Dadweynaha Magaalada Galkacyo Oo Aragtidooda ka Dhiibtay Covid -19

Thursday September 16, 2021 - 14:19:20
0 Comments
232
Galkacyo

Todobaadyadii ina dhaafay waxaa sare u kacay dadka laga helayo iyo kuwa geeriyonaya Xanuunka Covid 19 gudaha magaalada Galkacyo .

Dadka Ku dhaqan magaalada ayaan Ku baraa-rugsanayn waxyeelada Xanuunka Aafada ah, ee Corona virus kaas oo galaaftay Naftooda dad badan oo ku dhaqan Caalamka.

Cudurka Covid 19 dadka u Nugul ayaa ah barakacayaasha kuwaasi oo aan heli karin adeegyada Aasasiga ah, sida biyaha, Caafimaadka iwm.

Qaar kamid ah dadka Galkacyo oo La hadlay Warbaahinta Meeraysane ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in laga feejignaado Covid 19, inkasta oo qaarkood aysan wadan Afxir ama. Facemask.

Isku soo duu-duub magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay waxaa ka socdo talaalka Covid19 kaasoo laga helayo qaar kamid ah xarumaha caafimaadka Gobolka mudug.

Axmed khadar Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo

Related Items


Leave a comment