Faallo Ku Saabsan Is Qab-Qabsiga Dhulalka Dunida

Friday September 17, 2021 - 00:15:51
0 Comments
285
Dhulalka Dunida

Jimce wanaagsan Asxaabta inaga daalacata meeraysane.com Maanta waxaana Ka faaloonaynaan mushkiladaha dhulka uu keeno.

Ugu horayn hadii Aad Soomaaliya joogto Waxaad Maqlaysaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay kadib dagaal ka bilawday dhul kaas oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Halkaasi waxaa ka cad in Caqabadaha dunida ka taagan oo dhan ay tahay dhul iyo bad la isku haysto.

Wadamada aduunku waxay Ku dagaalamaan dhul iyo dad wadamadaas waxaa kamid ah Azerbaijan iyo Armenia oo dagaalamayay 1988-ilaa 2021.

Sidoo kale dalalka  Ku dagaalamay dhulka waxaa kamid ah hindia iyo Pakistan kuwaas oo coladooda ay soo bilaabatay inta la ogyahay 15-Agoust 1947-dii.

Waxaa kale oo dhulka isku haysta Chaina iyo Taiwan, kuwaas oo mid walba sheeganayo inuu xukumo dhulka iyo dadka.

Dalalka Waxaa ka mid ah Ethiopia iyo somaaliya oo muddo dheer isku haystay dhul iyo dad islamarkaasna uu dhex maray colaado fara badan.

Wadamada dhulka isku dagaalay waxaa kamid ah eltareya iyo Ethiopia, konfurta Sudan iyo Sudan iyo kuwa kale oo badan.





W/D Axmed Rajaa

Related Items


Leave a comment