Gudiga Doorashada Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Cabasho Ay Soon Gudbiyeen Mushatixiinta Aqalka Sare

Saturday September 18, 2021 - 12:56:39
0 Comments
268
Jowhar

Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay cabasho ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah musharaxiinta ku tartameyasa kursiga Aqalka sare ee sumadiisu tahay UH#07, waxayna sheegeen ineysan jirin cabasho laga keenay qodobo ka mid habraacyada doorashada Aqalka sare oo la jabiyay.

Sidoo kale, guddiga doorashada ayaa axadda dib ugu dhigay doorashada kursiga cabashada ka timid si fursad loogu siiyo in musharaxiinta dib ugu soo laabtaan deegaan doorashadooda.

Qaar ka mid ah Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee metelaadiisu tahay Hirshabelle ayaa lagu wadaa in maanta ay ka qabsoonto magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment