Midowga Yurub Oo Ku Baaqay In La Dhameeyo Khilaafka Siyaasadeed

Saturday September 18, 2021 - 13:13:17
0 Comments
286
European Union

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May.

 

"Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub.

Beesha caalamka ayaa dhankeeda xalay  sheegtay in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

Related Items


Leave a comment