Madaxweynaha KGS Oo La Kulmay Gudiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka

Saturday September 18, 2021 - 13:53:58
0 Comments
570
Baydhabo

Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee uu Magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha ayaa guddiga ay kala hadleen  xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Tilmaamay in ay xoojin doonaan qoondada haweenka, iminka Aqalka Sare ay kusoo baxeen labo xubnood oo dumar ah, markii golaha Shacabka ay bilawdaan ay ilaalin doonaan qoondada haweenka.

Madaxweynaha ayaa xusay in maamulkisa ay ka go’an in haweenka ay kusoo baxaan doorashooyinka ayna ilaalin doonaan hanaan hufan oo haweenka ay kusoo bixi karaan.

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka kooban 13 xubnood ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Rooble, waxaa ay hadda waddaan dadaallo ay  maamulada uga dhaadhicinayaan in ay ilaaliyaan qoondada dumarka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment