Hal Ruux Oo Ku Geeriyooday Qarax Lagu Bur buriyeen Garoonka Diyaaradaha Bulo Barde Ee G/ Hiiraan

Sunday September 19, 2021 - 12:32:29
0 Comments
287
Bulo barde

Ururka Al-shabaab ayaa Qaraxyo miino ah ku xiray garoonka diyaaradaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ay qaraxyadaas geysteen.

Dhismaha bur buray ee Qaraxyada lala beegsaday ayaa ahaa xarunta hubinta iyo sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burde, kaas oo shalay dhismihiisa la soo gaba-gabeeyay.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku geeriyooday halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen ,sida warbaahinta Qaranka sheegayso.

Garoonka uu ka dhacay Qaraxa ayaa waxaa si wada jira uga howlgala Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment