Taliska Qaybta Police-ka G/Bari Oo Xiray Tababar Ku Saabsan Ilaalada Doorashada Xildhibaanada

Sunday September 19, 2021 - 15:06:10
0 Comments
286
Bosaaso

Taliyaha Qeybta police-ka Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta Magalada Bosaaso ku soo xiray Tababarka Ku Saabsan Sugidda Amniga Doorashada Xildhibaanada oo lagu qabtay Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Taliyaha ayaa ka hadlay Muhiimada ay leedahay Sugida Amniga Doorashada isagoona kula dar-daarmay Ciidamada in ay ku dhaqmaan casharadii ay qaateen labadii Bari ee lasoo dhaafay.

Sidaas oo kale Xarumaha dowlad Goboleedyada ayaa tababar loogu qabtay Ciidamo Police ah oo ka qeyb qaadanaya sugida amniha Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada barlamaanka Federalka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment