Xuska 21--ka Sebtember Oo Sannadkan Caalamka laga Xusay Maanta

Tuesday September 21, 2021 - 12:20:44
0 Comments
314
Muqdisho

21-ka Sebtember ee Sannad kasta waxaa caalamka laga xusaa munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ka dib markii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ay ku dhawaaqday in maalintaasi ay tahay maalin u baahan xoojinta fikradaha kala duwan ee ka hadlaya nabadda.

Ujeedada maalinta caalamiga ah ee nabadda ayaa ah in la dhiirigeliyo hal abuurka iyo fikirka dadka iyo  sidii qof walba looga caawin lahaa soo kabsada,adkeysiga iyo sidii dunida loogu baddali lahaa mid Ilaalisa caddaaladda iyo sinnaanta.

Iyadoo la tixraacayo codsigii Xoghayaha Guud , Golaha Ammaanku waxay si wada jir ah u meel mariyey qaraar ku baaqaya Dowladaha Xubnaha ka ah inay taageeraan "hakadda ,isla markaana la joojiyo cuqdadda, takoorka, iyo nacaybka .

Waa muhiin in la helo xabbad joojin loo adeegsado colaadaha maxalliga ah, si loo hubiyo in dadka ay helaan marinno nabdoon oo ay ku gaari karaan Goobaha caafimaadka iyo meelaha kale ee ay u baahan yihiin.

Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda waxaa la aasaasay 1981 hasa yeeshee,Labaatan sano ka dib sannadkii 2001, Golaha Guud ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in Maalinta loo asteeyo inay tahay xilli aysan jirin rabshado oo la fuliyo hab xabbad joojin ah.

Related Items


Leave a comment