Taliyaha Qaybta Police-ka Gobalka Bari Oo Shir Amniga Looga Hadlayo La Yeeshay Sarakiisha Ciidamada Bosaaso

Wednesday September 22, 2021 - 13:29:31
0 Comments
365
Bosaaso

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare ayaa manta kulanka amniga la yeeshay Taliyahasha Saldhigyada iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha Bosaaso si loo dardargaliyo amniga Bosaaso iyo isku xiritaanka Police-ka iyo bulshada xafadaha bosaaso.

Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa si wada jir ah warbixino ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada si ay uga warbixiyaan sida ay amniga uga shaqeyeen xaafadihii loo Xilsaaray.

Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Qaybta ku Amaanay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashoyinka ka timaada xafadaha ay maamulaan.

Taliyaha Qeybta Police-ka G/Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku dhiirigaliyay Sarakiisha iyo gudoomiyaasha Xaafadaha in si dhab ah ay u xaqiijiyaan amaanka oo bulsha markii ay la soo xiriraan ay uga jawabaan.

Related Items


Leave a comment