Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Dhagax Dhigay Dayactir Lagu Sameeynayo Wadada U Dhaxeysa Garoowe Iyo Laascanood

Wednesday September 22, 2021 - 22:32:37
0 Comments
234
Garoowe

Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaan maanta dhaggax dhigay dib u dayactic lagu sameeynayo 40-km oo ka mid ah Wadada Isku xirta Laascaanood iyo Garoowe.

Dyactirka lagu sameynayo wadada Laascaanood ilaa Garoowe, ayaa waxaa ku jira buundooyin, waxaana dhisaysa dowladda puntland oo ku fulinaysa hab-isku-tashi ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shaqada socota ee dib loogu dayactirayo Wadooyinka Gobollada Puntland, isagoo Bulshada u tilmaamay in la dhisi doono Jidadka Gobolka Gardafuu iyo Degmooyinka Taleex, Boocame iyo Buuhoodle.

Dhagax dhigan waxaa ka Qayb-galay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha Wadooyinka Puntland.







Related Items


Leave a comment