Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Oo Kulan La Qaatay Oo Danjiraha Ee Dawladda Indonesia

Thursday September 23, 2021 - 12:42:45
0 Comments
231
Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Soomaaliya Amb. Dr. Mohamad Hery Saripudin oo ay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal.

Wasiirka iyo Safiirka waxay sidoo kale ka wada-hadleen kor-u-qaadista, fududeynta iyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama dalka Indonesia uu ka mid yahay wadamada ugu horreeya ee ay Soomaaliya wax-u-dhoofiso sidoo kale na aynnu muddo dheer la lahayn xidhiidh soo jireen ah oo la xidhiidha dhinacyada Ganacsiga.

Meeraysane.com
 

Related Items


Leave a comment