Biyo La'aan Baahsan Oo Ka Jirta Degmada Badhaadhe Ee Jubada Hoose Ee Jubbaland

Thursday September 23, 2021 - 14:06:24
0 Comments
331
Jubaland


Abaaro Xoogan Ayaa laga Soo Sheegayaa Gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland gaar'ahaan degaanka Badhaadhe kaas oo saameyn ku yeeshay dadka xoolo dhaqatada ah ee ku Nool halkaasi.

Xoolo Badan ayaa ku dhamaaday kolkii ay wayeen biyo ay waraabaan degmadaas iyo tuulooyin hoostega Xitaa waxaa Aadkatay nolosha degaanka.

Waxaa Jirta biyo la’aan baahsan oo saameysay dadka iyo xoolaha waxaana la sheegay in Jiirgaanka biyo ah qiimihiisu uu gaaray 20-kun oo Shillin Soomaali ah.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Badhaadhe Yuusuf Maxamed Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta ayaa u tilmaamay in abaarta ay saameysay tuulooyin badan oo degan yihiin dad danyar ah oo ay heysato biyo la’aan daran.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay inay jiraan dad isaga barakacay oo aaday deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment