Kulamadii U Dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo Iyo R/Waasare Roobe Oo Fashil Ku Dhamaaday

Friday September 24, 2021 - 15:08:55
0 Comments
329
Muqdisho

Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa xaqiijiyay inay fashilantay waan-waantii madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday madaxda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

"Sidaad lawada socoteen Madaxweyne Galmudug Ahmed Abdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. 

"Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo R/w Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook wasiirka madaxtooyada Galmudug Cumar Shido.

Xubno ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicaziiz Laftagreen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment