Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland

Saturday September 25, 2021 - 21:59:05
0 Comments
292
Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka billaaban doona degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah.

Madaxweynaha ayaa bulshada u sheegay in shaqo adag La soo qabtay maanta lasoo gaaray ololaha ururadda Siyaasadda iyo codeynta bulshada Rayidka ah ee Puntland, isagoona Soo dhaweeyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hay’adda PDRC , Dallada PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu ka dhabeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, si awooda shacabka loogu dhoweeyo oo ay madaxdooda usoo doortaan.

Puntland gaar ahaan Saddexda Degmo ee kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl waxaa todobaadkan ka bilowmaya Ololaha Ururadda Siyaasiyadda Puntland oo socon doona muddo bil ah, waxaana degmooyinkaasi ka dhici doonta 25-ka October 2021, Doorasho qof iyo cod ah oo shacabku kusoo dooran doonaan Xildhibaanada goleyaasha deegaanka.


Related Items


Leave a comment