BOSAASO
Ciidamada Police-ka Gobolka bari ee Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab sida la sheegay oo doonayay in ay qaraxyo ka gaystaan magaaladaas.
Ciiadamada police-ka oo kaashanaya qaybaha Sirdoonka ayaa gacanta ku dhigay kooxahaas iyagoona kasoo galay dhinaca buuraha Gal-gala sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo la hadlay warbaahinta.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in kooxahaas qirteen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab islamarkaana iminka lagu wado baaritaano dhammaystiran.
Inta badan Ciidamada kala Duwan ee puntland ayaa dagaalo Adag la gala ururada Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo fariisimo ku leh buuralayda Gal-gala ee Gobolka bari.
Meeraysane.com
Leave a comment