BAYDHABA
Waxaa maanta oo talaado ah lagu doortay magaalada Baydhaba ee xarunta kmg u ah maamulka koofur galbeed saddex xildhibaan oo ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.
Xildhibaan, Maxamed Jaamac Mursal (Geelle), ayaa kusoo baxay kursiga koobaad ee ay maanta doorashadiisu ka dhacday magaalada Baydhabo.
Isxaaq Maxamed Mursal {Fanax} ayaa isna loo doortay mudane ka mid noqon doona Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa isna xildhibaannada soo baxay ka mid ah Sayid Cali Isaaq Maxamed.
Meeraysane.com
Leave a comment