Qaar Kamid Ah Kuraasta Gobolada Wuqooyi Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Muqdisho

Tuesday January 25, 2022 - 21:51:00
0 Comments
55
Ahmed Rajaa
MUQDISHO

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta waxaa ay Xarunta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho 9-kamid ah kuraasta Gobolada Shacabka ee Gobolada Waqooyi.


Kursiga 1-aad ee doorashadii Maanta oo ahaa Hop#247 ayaa waxaa ku tartami lahaa Xildhibaan Khadra Maxamed Tukaale oo kursiga horay ugu fadhiday iyo Filsan Jaamac Cismaan, balse waxaa kursiga ku guuleysatay Khadra Maxamed Tukaale oo cod gacan taag ah ku heshay100 Ergo kadib markii ay tanaasushay Filsan Jaamac Cismaan, waxaana ka aamustay hal Ruux.


Kursiga labaad ee doorashadii Maanta oo ah Hop245 ayaa waxaa ku tartamay Xildbibaan Cabdiraxmaan Axmed Suge oo kursigaan horay ugu fadhiyay & Aadan Geedi Cabsiye, waxaana cod gacan taag ah 100 cod ku guuleystay Xildbibaan Cabdiraxmaan Axmed Suge, kadib markii uu u tanaasulay Aadan Geedi Cabsiye 1 qof ayaana ka aamusay.


Kursiga Saddexaad oo ah Hop215 oo uu horay ugu fadhiyay Faatix Saciid Xasan oo tartanka laga reebay ayaa waxaa ku tartamay Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Xildhibaannada Aqalka Sare iyo Axmed Yuusuf Bakaal, hayeeshee waxaa 94 cod oo gacan taag ah ku guuleystay Ayuub Ismaaciil Yuusuf hal qof ayaana ka aamusay.


Kursiga Afaraad ee Hop214 ayaa waxaa ku tartamay Dr Cilmi Maxamed Nuur iyo Tusmo jaamac liibaan, waxaase kursiga cod gacan taag ah 100 cod ku guuleystay Dr Cilmi Maxamed Nuur qofna kama aamusin.


Kursiga Shanaad ee Hop209 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xuseen Haadi, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay oo ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Axmed Dhimbil Rooble Casoowe.


Kursiga lixaad ee HOP211 ayaa waxaa ku guuleysatay Caasho Koos Maxamuud Cumar oo kursigaan horay ugu fadhiday Afartii sano ee la soo dhaafay.


Kursiga 7aad ee Hop201 ayaa waxaa ku guuleystay Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib, waxaana horay ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.


Kursiga Sideedaad ee Hop#257 ee doorashada Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo baxday Nadra Saalax Cabdi, waxaana horay Kursigaan ugu fadhiyay Cabdalla Xaaji Cali.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment