3-Kamid Ah Xildhibaanda Baarlamaanka 11-aad Dowlada Federalka Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Kismaayo (Dhagayso)

Wednesday January 26, 2022 - 14:27:09
0 Comments
71
Ahmed Rajaa
KISMAAYO

Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose Waxaa manta lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid noqon doona baarlamaanka 11-aad ee golaha shacabka Soomaaliya.


Xildhibaan, Xasan Xuseen Maxamed ayaa kusoo baxay doorashada kursiga koowaad ee HOP#126 waxa una helay 74-cod halka Musharaxa la tartamayay C/raxmaan Macalin Xuseen uu isna helay 21-cod waxaa halaabay 5 cod.


Dr Axmed Aadan Axmed ayaa isna ku guulaystay kursiga sumaddiisu tahay Hop#127 waxa uu helay 84 Cod halka Musharaxa la tartamayay uu helay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi uu helay 16-cod.


Sidoo kale xildhibaannada soo baxay waxaa ka mid ah Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo cod gacan taag ah ku Guleystay kursiga sumadiisu HOP#118.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment