BOSAASO
Askeriga horay uga tirsanaan jiray ciidamada puntland ayaa manta lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Barkhad Guduudane Bur yar islamarkaasna horay u ahaa Taliyihii Kaantaroolka Boosaaso, Sida wararka ay sheegayaan koox hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa ku toogtay bartamaha magaalada Boosaaso.
Ciidamo kamid ah kuwa Amniga Bosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin lagu tuhmayo dilkaas lakiin ay wadaan baaritaano kala duwan.
Meeraysane.com
Leave a comment