Ra'iisul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo R/Wasaare Ku-Xigeenka Dalka.

Wednesday January 26, 2022 - 15:27:42
0 Comments
494
MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka.


Mudane Rooble ayaa dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay labada masuul, iyagoona isku afgartay in si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada.


Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu codsaday in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi inta laga saxayo khalalaadkadoorashada ka jira.


Sikastaba ha noqotee waxaa la tilmaamayaa in la soo gaba-gabeeyay kala aragti duwanaantii u dhexeeysay gudoomiye c/xaashi & R/wasaare kuxigeenka dalka mahdi guuleed.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment